• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Waa kuma Inj. Maxamuud Khaliif?

FacebookTweetPin

Eng. Maxamuud Khaliif Xassan (Jebiye) Waxa uu ku dhashay magaalada Qardho sanadku markuu ahaa 1965.

Musharaxa Madaxweynaha Puntland Eng. Jebiye

1972 – 1980 waxbarashadiisi Quraanka iyo Dugsiga Hoose/Dhexe uu ku qaatay magaala madaxda Puntland ee Garoowe.
1980 – 1984 waxbarashadiisi dugsiga sare waxa uu ku qaatay magaalada Qardho dugsiga sare ee Sheekh Cismaan Cumar Shabeele waxa kale uu guul ka gaaray in uu sanadkaas noqdo ardaygii ugu sareeyey Gobolka Bari.
1984 – 1988 waxbarashadiisi Jamacadda ee heerka koowaad waxa uu ku qaatey jaamacada Gahayr oo loo yaqaan Jaamaca Ummadda (National University) Kuliyadda Injineeriya, Sidoo kale waxa uu guul waxbarasho ka gaaray intii uu jaamacad dhiganayey waxana uu noqday ardaygii ugu sareeyey kuliyadaas sanadkii uu ka qalan jabiyey.
1989 – 1990 waxbarashadiisii jamacadeed ee Heerka labaad (Master degree) waxa uu deeq waxbarasho ka helay dalka Talyaaniga jamacada Sapienza University ee magaalada Roma.
1992 – 1994 waxa kaloo waxbarashadiisii uu ka bilaabay dalka U.S.A College isaga oo diyaariyey shahaada Professional Engineering waxana uu si watay kulayadiisii Injineeriyada.

Shaqooyinka uu soo qabtay

1988 – 1989 waxa uu kaaliye Bare Sare (Assistance Professor) ka noqday isla Jaamacadii uu ka baxay ee Gahayr Kuliyadeeda Injineeriga. Waxana fursadaas u sahashay in uu noqdo kaaliye derejadii sare uu ku baasay iyo kaalinkii koowaad uu ka galay Jamacadaas.

Eng.Maxamuud Khaliif waxa uu dalka Maraykanka ka hirgaliye shirkadda bixisa adeega la yiraahdo Home Care shirkadaas oo qandaraasyada ka qaadata heer federal iyo heer Gobol, shirkadaas oo si weyn uga hana qaaday carriga Maraykanka isla markaasna ay u suuragashay in ay shirkadaasi soo sarto faa’iido badan (Upper Income). Waxana ka hawl gala shaqaale ka badan 4000 oo shaqaale ah.

Eng. Jebiye waa guddoomiyaha saamilayda shirka duulimaada Ocean Airways, shirkaddaas oo adeeg fiican soo kordhisay intii ay Soomaliya iyo caalamka ka shaqaynaysay.
Waxa kaloo u ahaa gudoomiya saamilayda ama shaarlayaasha shirkadii Las Qoray Fish, shirkadaas oo ka hana qaaday Puntland gudaheeda yareesay heerka shaqa la’aanta soona kordhisay dhaqaale badan sidoo kalena deeganada degmada Laas Qoray iyo guud ahaan Puntland ka samaysay shaqo abuur badan.

Waxa kale uu dalka Kenya ka hirgaliyey shirkad wayn oo soo saarta cabitaanada, shirkadaas oo magaceeda la yiraahdo Victoria Juice si weyna looga yaqaan bariga Africa.

Inj. Jebiye waxa uu ku hadlaa ilaa afar luuqadood, Afkiisa hooyo, Ingriis, Carabi iyo weliba Talyaani.

Waxqabadkiisii Puntland

Eng. Maxamuud Khaliif Xassan oo kamid ah ganacsatada waaweyn ayaa si joogta ah wax ugu qabta Puntland, waxaana u gacan ka geytey, Dhismaha waddoyinka, taageerada waxbarashada sida Jaamacadaha, dhismayaasha Isbitaalada iyo weliba daryeelka agoonta ee ah mustaqbalka beri dalku sugaayo.

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19