AMNIGA
Maxamuud Khaliif Xassan (Eng. Jebiye) waxa uu mudnaanta kowaad siinayaa nabadgalyada iyo hagaajinta kala danbayantii lagu yaqaaney Puntland, waxa uu xoog saarayaa in beelaha wada dhistey Puntland nabad kuwada noladaan, waxa uu xoog saarayaa in uu ka hortago cidkasta oo isku dayda in ay khal-khal geliso amniga Puntland nooca ay doonaan ha noqdeen.
Dowlad aan Madaxweynaha ka ahay waxay soo celinaysaa oo dib u dhisaysaa Ciidamadii Puntland, kuwaas oo ilaaliya sharafta iyo karaamada Puntland, waxay noqon doonaan cidamo la isku haleeyo, hela daryeel wanaagsan, kana koban qaybaha Puntland oo dhan.
ILAALINTA MIDNIMADA PUNTLAND
Ilaalinta iyo dhawrista dastuurka iyo sharciga u yaala Puntland waa mid muqaddas ah, sidaas darteed Dowlad aan Madaxweyne ka ahay waxay ilaalineysaa dastuurtka Puntland, waxaana ay ilaalineysaa midnmada Puntland sida uu qabo dastuurku iyada oo waxkasta loo marayo waddo sax ah, mana jirto cid laga oggolaanayo in ay kala dhantaasho midnimada Puntland.
CADAALADDA & SINAANTA
Dunidu waxay ku dhisanyahay kuna horumartay maanta waa caddaadalad, sinaan, wada tashi, is ixtiraam, wada shaqayen, Dowaldda aan Madaxweyne ka ahay waxay ladagaalamaysaa musuqmaasuqa, eexda, laaluushka, iyo cadaalad darrada.
WAXBARASHADA IYO BARBAARINTA
Dadlkasta iyo dadkasta horumarkiisu waxa uu ku xiran yahay heerka aqoonta iyo waxbarashadu ay joogaan, waxaan wada ognahay in badan oo ina kamid ah in ay waxbarashada ilaa heer jaamacadeed ku sii dhigteen bilaash ama lacag la’aan, maantey taasi ma jirto. Waxaan ku dedalaaynaa in aan isku dayno in waxbarashada aan ku soo celino sidii ay ahaan jirtey, si ay u noqoto mid loogu siman yahay, sidoo kale Dowlad aan Madaxweyne ka ahay waxay ku dedaali doontaa in ay tayo u yeesho waxbarashada oo aysan noqon magac keliya.
HAGAAJINTA DEEGAANKA
Deegaanka iyo bay’addu waa halka aan ku noolnahay bay’ad aan hagaagsaneyn, cimilo xun iyo xaalafku waa adag tahay sida nolol uga hirgasho, sidaas darteed waxay Dowlad aan Madaxweyne ka ahay ku dhaqmeysaa dhamaan siyaasadda loo dejiyey deegaanka gaar ahaan ka hortaga xaalufinta, ilaalinta kaymaha, celinta bacaadka, iyo dhireynta dhulka u baahan si ubadkeenu inoo ka dhaxlo dhul iyo bay’ad hagaagsan.
DARYEELKA HOOYADA & DHALAANKA
Dowladda aan Madaxweyne ka ahay waxay xoogga saari doontaa daryeelka hooyada iyo dhalaanka sidii ay u heli lahayeen daryeel caafimaad iyo nafaqo ku filan, hooyada iyo dhalaanku waa mustaqbalkasta oo dal lee yahay, sidaas darteed dalkasta waxa uu ku faanaa tirada dadkiisa, aqoontooda iyo korniimadooda.
KHEYRAADKA DABIICIGA AH
Kheyraadku waxa uu u kala baxaa mid muuqda iyo mid aan muuqan, dowlad aan Madaxweyne ka ahay waxay xoogga saari doontaa ilaalinta kheyraadka oo laga ilaaliyo in si xun loo isticmaalo, ama cid kale ka faa’ideysto, sidoo kale waxaan xoogga saari doonaa sidii looga faa’ideysan lahaa Kheyraadka ilaah inaku manaystey, sida Xoolaha, kaluunka, maydiga iyo fooxa, beeraha iyo weliba kehyraadka qarsoon ee ku duugan dhulka hostiisa.
DIMOQRAADIYADDA PUNTLAND
Nidaamka Puntland ku dhaqanto ee soo xulida Xildhibaanada Golaha Wakiilada, iyo weliba Xildhibaanada heer degmo waxay ahayd in laga gudbo sanadkii 2001, taasi ma dhicin, haddaba Dowald aan Madaxweyne ka ahay waxay horseedi doontaa in nimaadka Xisbiyada aan ka hirgelino Puntland, heer degmo, heer gobol ilaa heer Dowlad goboleed, shacabku soo doorto Xildhibaanadii degmada, gobolku soo doorto barasaabkii, kadibna gobol kastaa soo doorto Xildhibaanadii Dowladda u meteli lahaa.
Sideedaas qodob waxay noqon doonaa kuwa ugu horeeya ee aan muhimadda siino anaga oo kaashaneyna shacabkeena sharafta leh, taas haddi aan la helin ama wadajir wax loo qaban waxay noqoneysaa midig ay bidix ka maqan tahay.
Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland 2019, Maxamuud Khaliif Xassan (Eng. Jebiye)