• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Baaq Nabadeed: Colaada Gobolka Sool

October 23, 2018

FacebookTweetPin
Colaad sokeeye waa ceeb adduun

Aniga oo ah Maxamuud Khaliif Xassan Inj. Jebiye ahna musharax u taagan xafiiska madaxweynaha Puntland waxaan aad uga xumahay colaada mar kale ka cusboonaatey Koonfurta Gobolka Sool.

Waxaan baaq nabadeed u diraya walaalaha dagaalku ku dhex marey gobolka Sool, waxaan ugu baaqayaa in ay Allaah u noqdaan, dib u xusuustaan dhiiga qofka Muslimka ah in uu qaali yahay, xusuusnaadaan walaalnimadooda iyo wada dhalashadooda, ogaadaan in dhimasho, qax iyo qaxar mooyee aan wax kale colaada laga dhexleyn.

Intii dagaalka ku dhimatey rabbi ha u naxariisto, inta ku dhaawacanteyna rabbi ha u booga dhayo.

Waxaan ku baaqayaa in si shuruud la’aan ah xabbada loo joojiyo, gogol nabadeedna deg-deg loo furo oo loo dhigo.

Aniga oo og in awoodii Puntland ay ka maqan tahay gobolkaas ama halka dagaalku ka dhacay taas oo ah wax aad u xun ayaa ugu baaqaayaa dhamaan beelaha kale ee halkaas ka dhaw ee walaalaha ah in la kala dhex galo labada walaal ee is dilaya. Garaadada iyo cuqaashu waa in ay fadhiga ka kacaan, waxa loo cimaamdaey waa in ay nabadda ka shaqeeyaan. Culimada, haweenka iyo dhalinyarada waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan sidii colaada loojoojin lahaa. Anniga oo ah Maxamuud Khaliif ah waxaan diyaar u ahay in aan ka qaybqaadano nabadda, horumarka iyo suluxa beelaha walaalaha, markasta.

Waxaan rabbi ka baryayayaa in uu walaalaha islaax dhex-dhigo waa dad wada dhashey oo is dhalay.

Post Views: 483

Filed Under: News

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19