Musharaxa Maaxweynaha Puntland 2019 Maxamuud Khaliif Xassan (Eng. Jebiye) ayaa ayaa maanta oo khamiis ah si aad u ballaaran loogu soo dhaweeyey caasimadda Puntland ahna xarunta gobolka Nugaal Garoowe.

Kumaankun dadweyne ah ayaa Musharaxa uga hortegey garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Muuse, kuwaas oo ku dhawaaqayey halkudhigyo, heeso iyo dabaaldegyo kale.
Ugu horeyn ayaa Musharax Maxamuud Khaliif waxa uu odoyaasha iyo cuqaasha ku qaabiley qaybta V.I.P ee Garoonka, kadibna waxaa uu salaamey boqolaal qof oo kale oo taagan barxadda garoonka, si sidaas la mid ah ayuu gaariga uga soo degey kumaankun qof oo kale oo taagnaa banaanka hore ee ay ka leexato waddada garoonka gasha, kuwaas oo ciyaarayey ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, lulaayey caleema qotyan, kuna labisnaa halkudhgyo lagu tageertayo Musharax Jebiye.
Musharax Maxamuud Khaliif ayaa Boqolaal gawaari u galbiyeen gudaha magaalada, waxaana uu barxadda kula hadley boqolaal qof oo halkaas ku sugaayey.
Maxamuud Khaliif ayaa shacabka caasimadda Puntland uga mahad celiyey sida ballaaran ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu sheegay in ay geliyeen dareen qiiro leh oo uu ka jawaabi doono dalabkooda, waxa uu mahad ballaaran u celiyey ciidanka amaanka ee caasimadda ee sugey amniga muddadii Musharaxu ka soo degay garoonka ilaa barxadda, sidoo kale waxa uu u mahad celiyey maamulka Caasimadda Puntland, kan gobolka iyo taliyaasha ciidanka amaanka sida xilkasnimada leh ee ay amaanka u sugeen taliyaasha ciidanka iyo maamulka garoon ka diyaaradaha.
Musharax Maxamuud Khaliif oo fursadda ka faa’ideysanaya ayaa mar kale baaq u direy dadka wada dhashey ee colaadu ku dhex martey Koonfurta Gobolka Sool waxaana uu shegay in uu diyaar u yahay in uu ka qaybqaadanayo si kasta oo colaadaas lagu joojin karo nabadna lagu heli karo.
Maxamuud Khaliif ayaa sheegay in dalku maraayo xaalad adag oo ay jirto abaar, colaad iyo dhaqaale xumo, taas waxaa u dheer ayuu yiri in Dowlad goboleedyada iyo Dowladdii federaalku ay xariga kala goosteen. Jebiye ayaa ku baaqey in xal la helo oo Dowlad goboleedada iyo Dowwladda Dhexe miiska wada fariistaan dalkana loo wada shaqeeyo si ku jirta maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.

Musharax Jebiye oo ka hadley sababaha ku dhaliyey in uu u tartamo xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in uu yahay ganacsade weyn oo meelo badan maalgashtey, waxaan garanayaa ayuu yiri ganacasato caalami ah iyo shirkado waaweyn oo doonaya in ay dalkeena maalgashaan kuwaas oo aan xiriir la lee yahay, waxaan ogaadey in maalgashi kasta iyo hormarkasta haddii awooda iyo suldada markaas jirtaa kula wadin aysan soconeyn, sidaas darteed loo baahan yahay in aan u tartamo awood horseedi karta in dalka la maalgashto oo aan wax caqabad ah lagu sameyn.
Ugu danbeyntii Musharaxu wuxuu sheegay in uu wakhti la qaadan doono, qaybaha bulshada, dhalinyarada, ardeyda, haweenka, waxgaradka si uu ugu bandhigo barnaamijkiisa siyaasadeed.
Musharax Maxamuud haliif ayaa kamid ah kuwa ugu rajada weyn ee sanadkan u ordaya xafiiska Madaxweynaha o doorashadiisu dhacayso 8.1.2019.
Leave a Reply