• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Jebiye oo 20.000$ ugu deeqay jaamacadda PSU iyo xarunta agoonta ee Garoowe

April 1, 2018

FacebookTweetPin

Jebiye 2019

Eng Maxamuud Khaliif Xassan (Jabiye) oo kamid ah ganacsatada waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa maanta Munasabad balaaran oo lagu qabtay Hoolka Jaamacadda PSU ee Magaaladda oo ay kasoo qaygaleen masuuliyiinta Jaamacadda PSU, xarunta agoonta, siyaasiyiin, haweenka, barayaasha Jaamacada Ardayda iyo Marti sharaf waxa uu ku wareejiyey maamulka Jaamacada PSU iyo xarumaha agoomaha lacag dhan Labaatan Kun oo Doollar taas oo uu ugu talagalay inuu uga qaybqaato adeegyada bulshada loo hayo.

Eng, Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye) oo goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu lacagtan ugu talagalay Toban Kun oo kamid ah inuu uga qaybqaato dhismaha Jaamacada PSU oo qaybo horleh lagu kordhiyey isagoo sheegey in xarunta agoomaha ee Garoowena uu ugu talagaly Toban Kun oo Dollar taas oo lagu dhisayo xayndaabka Xarunta, Eng, Jabiye wuxuu sheegey dhanka kale ugu baaqay Ganacsatada iyo siyaasiyiinta inay ka qaybqalaan hormarinta waxbarashada iyo adeegyada danyarta Puntland isagoo sheegey in tani aysan ahayn markii ugu horaysay oo uu ka qaybgalayo hormarinta waxbarashada iyo agoomaha.

Maamulaha xarumaha agoomaha Puntland Cismaan Guureeye Kaarshe ayaa sheegey in kuliyada agoomaha ee Garoowe ay dhiseen dadaal ay bixiyeen dad wanaagsan oo reer Puntland, Mr, Kaarshe dhanka kale wuxuu sheegey in Eng, Jabiye uu noqonayo qofkii ugu horeeyey oo dhaqaale xoogleh ugu daaqay xarunta agoomaha taas oo uu sheegey inay tahay mid kudayasho mudan.

Gudoomiyaha Jaamacada PSU Maxamuud Sheikh Xaamud ayaa isna dhankiisa uga mahadceliyey Eng, Jabiye deeqda uu siiyey jaamacada iyo xarunta agoomaha taas oo uu sheegey inay ka turjumayso inuu hormuud u yahay Ganacsatada iyo siyaasiyiinta reer Puntland, Aqoonyahanadii, Haweenkii iyo waxgaradkii ka qaybgalay kulankaan gudoonsiinta dhaqaalaha ee Eng, Jabiye qabtay ayaa ugu duceeyey ganacsadaha in ilaahay wax ka wanaagsan ugu badalo dhaqaalaha uu ugu deeqay danyarta iyo hormarka waxbarashada Puntland.

agoonta
jbeiye
jebiye_jaamacada

Horseed Media

Post Views: 447

Filed Under: News

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19