• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharax Eng. Jebiye oo soo dhaweeyn loogu sameeyey Dubai

January 27, 2018

FacebookTweetPin

Musharax Maxamuud Khaliif Xasan (Eng. Jebiye) oo u taagan tartanka Madaxweynaha Puntland 2019 ayaa xaflad si heersare ah lagu soo dhaweeyey magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Eng. Jebiye oo ah Ganacsade caan ah ayaa u jeediyey khudbad soo jiidatey dadkii ka soo qaybgalay, waxaana uu ka sheekeeyey sooyaalkiisa taariikheed, waxaana ay salka khudbaddu ku haysey qiyamka Islaamka iyo isla xisaabtanka, sababta isaga soo kicisey in uu noqdo Musharax Madaxweynaha 2019.

Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland Maxamuud Khaliif Xasan ayaa si weyn uga mahadceliyey soo dhaweeynta milgaha iyo sharafta huwan ee jaaliyadda Imaaraadku u sameeyeen, taas oo uu sheegay in aanu hilmaami doonin.

In badan oo ka mid ah ka soo qaybgalayaasha ayaa sheegay markii ay qiimeeyeen khudbadda uu jeediyey Musharax Maxamuud Khaliif in ay tahay mid aan horey loo jeedin, marka la eego aqoonta uu u lee yahay diinta, ganacsiga, cilmiga maadiga ah iyo waaya aragnimadiisa, waxaana ay ugu duceeyeen in rabbi u fududeeyo tartanka.

img-20180127-wa0016490217202
img-20180127-wa0022337877619
img-20180127-wa0027860815616
img-20180127-wa00101803551926 (1)
img-20180127-wa00101803551926
img-20180127-wa00112089749658
img-20180127-wa00152112048721
img-20180127-wa00241847746829
img-20180127-wa00251807836264

https://www.flickr.com/gp/158309939@N02/MF3cZ5

Post Views: 551

Filed Under: News

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19