• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharax Jebiye oo $10 000 ugu deeqay mashaariicda hormarineed ee degmada Xarfo

November 11, 2018

FacebookTweetPin

Musharaxa xafiiska Madaxweynaha Puntland doorashada 2019 Maxamuud Khaliif Xassan iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa si mug iyo maqaam sare leh luugu soo dhaweeyey degmada Xarfo ee gobolka Mudug. Dadweynaha ku dhaqan degmada Xarfo oo aan u kala harin ayaa isugu soo baxay dariiqyada magaalada Xarfo, halka qaar badan ay uga hortageen Musharax Jebiye meel ka baxsan magaalada.

Musharax Jebiye ayaa kulan si wanaagsan loo soo agaasimey la qaatey bulshada Xarfo waxaana uu ka cudurdaartey in markii hore ee magaalada uu maray ay ahayd xili hore oo arooryo taasina keentey in ay degdeg ugu baxaan Bacaadweyn oo ay ku lahaayeen quraac, laakiin muhimadda ay leedahay darteed uu magaalada mar kale dib ugu soo noqdey si uu u dhegaysto baahida bulshadu u qabto isbeddel ka dhaca Puntland.

Maxamuud Khaliif Xassan Musharaxa Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu dhegaytey bulshada iyo taageerada ay u hayaan in Puntland isbeddel wanaagsan ka dhaco, waxa uu ballan qaadey in $10 000 oo dollarka Maraykanka ah ku bixinaayo mashaariicda hormarineed ee degmada Xarfo gobolka Musug, taas oo waxgaradka iyo bulshadu si weyn u so dhaweeyeen.

Musharax Jebiye ayaa booqasho ku marey magaalooyinka Jalam, Burtinle, Bacaadweyn, Cagaaran, Gaalkacyo, Xarfo iyo qaar kale, waxaana lagu wadaa maalmaha soo socda in uu booqasho ku tago Gobolada Bari iyo Sanaag.

XAFIISKA OLOLAHA DOORASHADA MAXAMUUD KHALIIF
https://mkh2019.com
facebook.com/mkh2019
twitter.com/mkh2019

Post Views: 1,795

Filed Under: News

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19