• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharax Jebiye oo si ballaaran loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo

November 6, 2018

FacebookTweetPin

Musharaxa Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 Mudane Maxamuud Khaliif Xasan (Eng. Jebiye) iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta (Talaado) lagu soo dhaweeyey xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo. Musharaxa ayaa malintii Isniinta ka soo kicitimey mgaalada Garoowe, waxaana uu habeen ku dhaay magaalada Burtinle.

Ka hor inta aanu musharuxu soo gaarin magaalada Gaalkacyo waxaa lagu soo dhaweyey magalooyinka Xarfo, Bacaad-weyn iyo Cagaaran.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu so baxay banaanka hore ee magaalada Gaalkacyo, waxaana shacabku safaf dhaadheer u galay sidii Musharaxa xafiiska Madaxweynaha Puntland Eng. Jebiye loogu soo dhaweyn lahaa Gaalkacyo.

Maxamuud Khaliif ayaa khudbad kooban u jeediyey dadeynaha maadaama xiligu ahaa mid kulul, waxaana uu ka hadley, nabadda iyo wada jirka,  magaalada Gaalkacyo waxa keliya ay u baahan taha yahay nabad lagu wada noolaado iyo iskaashi si magaaladu ugu tallaabsato horumar loona hagaajiyo adeegyada bulshada.

Musharax Jebiye ayaa ka sheekeeyey taariikhda gobolka Mudug uu u lee yahay ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu ku tilmaamey wersedii soo aaartet aabayaashii xornimada Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Maxamuud Khaliif waxa uu ballan qaadey in uu magaalada sii joogi doono arki doono qaybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo muddada uu safarka ku joogo.

XAFIISKA OLOLAHA DOORASHADA MUSHARAX JEBIYE
https://mkh2019.com
facebook.com/mkh2019
twitter.com/mkh2019

Post Views: 495

Filed Under: News

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19