• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharax Maxamuud Khaliif oo gar-gaar gaarsiiyey Isbitaalka dadka qaba cudurka dhimirka.

November 4, 2018

FacebookTweetPin

Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland Maxamuud Khaliif Xassan (Jebiye) ayaa maanta gargaar gaarsiyey Xarunta lagu daaweeyo dadka qaba cudurka dhimirka ee Nasrullah duleedka bari ee magaalada Garoowe.

Gargaarka uu Maxamuud Khaliif gaarsiiyey xarunta dadka qaba cudurka dhimirka ayaa ka kooban raashin ay isticmaali karaan muddo bil ah iyo ka badan iyo agab kale.

Musharax Maxamuud Khaliif ayaa kuurgalay xaaladda dhabta ah ee Isbitaalka Nasrullaah, waxaana u warbixin ka dhegesyatey Agaasimaha isbitaalka Marwo Xaawo Maxamed Axmed, waxay sheegtey in Isbitaalku qabo caqabado badan oo ay ka mid tahay in daawoyinku ay ku yaryihiin oo ay gabaabsi ka noqdaan magaaladana aan laga helin.

Maxamuud Khaliif ayaa sheegay in uu wax ka qabanaayo dhibaatada Isbitaalka haysata gaar ahaan daawoyinka oo uu ka codsadey maamulka isbitaalku in ay soo gudbiyaan liiska daawooyin ee ay u baahan yihiin si uu deg-deg ugu keeno. Musharaxu waxa u ballan qaadey in haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Puntland iyo haddii kaleba uu xaruntan Nasrullaah garab istaagi doono markasta.

Xarunta Nasrullaah ee duleedka bari ee Garoowe waxaa ku xereysan 57 qof oo qaba cudurka dhimirka, kuwaas oo qaar kamid ah ay yihiin haween. Xaruntan ayaa jirtey 14 sano, waxaana soo marey dad ka badan 1000 qof oo lagu daweeyey.

XAFIISKA MUSHARAX MAXAMUUD KHALIIF (ENG. JEBIYE)

https://mkh2019.com
facebook.com/mkh2019
twitter.com/mkh2019

Post Views: 676

Filed Under: News

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2022 · Jebiye'19