
Musharraxa xilka Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye oo maanta Isniin ah bilaabay safar dheer oo qaybo kamid ah gobollada Puntland uu kusoo marayo, ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey degmada Burtinle ee gobolka Nugaal iyo Jalam oo ah magaalo hoos tagta isla degmada Burtinle.
Boqollaal dadwayne ah oo ruxayey calammo iyo caleemo qoyan, ayaa musharraxa iyo wafdigiisa kaga hortegey duleedka bari ee deegaanka magaalada Jalam, waxaana musharraxu mid mid u gacan qaaday dhammaan dadkii soo dhowayntiisa usoo baxay. Dadka isu soo baxay waxaa si weyn uga dhex muuqdey ardeyda dugsiyada oo xiligaas ku jirey fasax.

Maxamuud Khaliif Xassan ayaa khudbad u jeediyey dadweynihii isugu soo baxay soo dhaweyntiisa ee magaalada Jalam, ugu horrayn wuxuu uga mahadceliyey sida qiimaha badan ee ay usoo dhoweeyeen iyo waliba taageerada baaxadda leh ee ay u muujiyeen musharaxnimadiisa.
“Waxaan runtii mahad aan lasoo koobi karin aan rabaa inaan u jeediyo, dadwaynahan qiimaha badan oo qiiradu ka muuqato ee nagu soo dhoweeyey magaalada Jalam, waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin” ayuu yiri “Runtii waxa aad iyo aad uga xumahay waddada aan soo marnay, aad ayey qalbigayga dhaawac u gaarsiisay…waxaan idiin ballan qaadayaa in aan muhimad siin doono sidii wadada loo dayactiri lahaa” ayuu yiri Musharax Jebiye.
Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafdigiisu waxay usoo gudbeen dhinaca degmada Buurtilne, waxaana lagu qaabilay soo dhowayn aan loo kala harin, taasoo ay kasoo qayb galeen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.
Barxadda degmada Buurtinle ayuu Injineerku bulshada kula hadlay, wuxuuna aad uga mahadceliyey sida mugga leh ee isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo loosoo dhoweeyey.
Maxamuud Khaliif Xassan musharax ilka Madaxweynaha Puntland 2019 ayaa xusay in isu soo baxa bulshada Burtinle uu ka fahmay sida ay bulshadu baahi ugu qabto hirgelinta doorashooyinka dimuqraadiga ah iyo nidaamka cod-bixinta ee ‘hal qof iyo hal cod’, waxaana uu adkeeyey in uu ku dedaali doono sidii Puntland uga hirgeli lahayd doorasho dimoqraadi ah oo shacabku ka qaybqaato.
“Waxan leeyahay codkiina waan maqalnay, isu soo bixiinnakani…hal shay ayuu ka turjumayaa, wuxuu ka turjumayaa inaad isbeddel diyaar u tihiin” Musharrax Maxamuud Khaliif ayaa yiri isagoo intaas ku daray “Waxan idiin ballan qaadayaa dowladda dhismi doonta 2019ka, tan ku xigta inaad idinku dooran doontaan, oo aad codkiina ku dooran doontaan qiimaha badan”.
Musharax Khaliif ayaa caawa oo isniin ah ku hoydey degmada Purtinle, waxaana uu booqdey xarunta ay degan yihiin dadka barakacayaasha gudaha, sidoo kale waxa u booqasho ku tegey xarunta cusub ee biyogelinta magaalada Burtinle.
Habeenimada Isniinta waxaa Musharax Maxamuud Khaliif loo qabtey xaflad soo dhaweyn ah oo ka dhacdey Hotel al-Xarameyn degmada Burtinle, waxaana ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada Burtinle, kuwaas oo si mug leh u taageeray Maxamuud Khaliif. Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 ayaa khudbad u jeediyey bulshadii ka soo qaybgashey xafladdii soo dhaweynta, waxaana uu mar kale ku celiyey barnaamijkiisi isbeddelka Puntland, ee ku salaysan isla xisaabtan.
Maxamuud Khaliif Xassan iyo wefdigiisa ayaa lagu wadaa in ay maalinta Talaadada gaaraan xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo, waxaana ay qayb ka tahay safar uu ku mari doono qaar kamid ah magaalooyinka Puntland.
XAFIISKA OLOLAHA DOORASHADA MUSHARAX JEBIYE
https://mkh2019.com
facebook.com/mkh2019
twitter.com/mkh2019
Leave a Reply