• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Dhallinyarada Puntland oo Musharrax Jebiye taageero buuxda u muujiyey

December 25, 2018

FacebookTweetPin

This slideshow requires JavaScript.

DECEMBER 25, 2018 – Dhallinyarada Puntland ayaa magaalada Garoowe ku qabtay kulan ballaaran oo ay taageero ugu muujinayeen Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019, Eng. Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye.

Dhallinyarada ayaa baaq u diray xildhibaannada iyagoo ka codsaday in ay doortaan Musharrax Maxamuud Khaliif, si Puntland horumar ugu tallaabsato ugana soo kabsato hagardaamooyinkii iyo nidaam xumadii ragaadiyey shantii sano ee lasoo dhaafay.

Musharraxa ayaa dhankiisa  lagama maarmaan ku tilmaamay in da’yarta talada dalka laga qayb geliyo kaalinna ay ku yeeshaan ka go’aan gaarista arrimaha masiiriga ah.

Musharraxu wuxuu da’yarta la wadaagay sheekada noloshiisa iyo sirta ka dambaysa guulaha uu ka gaaray dhanka ganacsiga, isagoo xusay in furaha guushu yahay shaqo jacayl, hufnaan iyo dadaal dheeri ah.

Sidoo kale, Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu dhallinyarada ku borriyey inaysan ka faanin shaqooyinka yaryar, gaar ahaan kuwa gacanta laga qabto, maadaama badi da’yarta Soomaalidu jecel yihiin in ay xafiisyada uun ka shaqeeyaan.

Haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland, Musharrax Jebiye wuxuu ballan qaaday in uu ardayda kasoo baxa jaamacadaha shaqo abuuris u samayn doono , islamarkaana hirgelin doono fursado tababarro xirfadeed lagu siinayo ardayda dugsiyada sare kasoo baxa.

Kulammo caynkan oo kale ahaa oo dhallinyarada Puntland ku muujiyeen taageerada mugga weyn ee ay u hayaan Ololaha Karti iyo Hufnaan ayaa horay uga qabsoomay magaalooyin ay kamid yihiin Boosaaso, Qardho, Buurtinle, Gaalkacayo, Galdogob, Dhahar, Badhan, Waaciye iyo Carmo.

Post Views: 1,184

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19