Karti iyo Hufnaan
Habeenimadii Sabtida bilashada bisha September 2018 waxaa magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ka dhacdey munaasabad si weyn loo sugaayey taas oo lagu soo dhaweynaayey Eng. Maxamuud Khaliif Xassan (Jebiye), si loo dhegeysto qorshihiisa ku aadan Puntland 2019.
Maxamuud Khaliif Xassan ayaa ah maalqabeen u dhashey Puntland isla markaana si weyn uga qaybqaatey arrimaha bulshada lagu hormarinaayo sida waxbarashada, caafimaadka, agoomaha iyo weliba kaabayaasha dhaqaalaha.
Xafladda soo dhaweynta Eng. Jebiye ayaa ka dhacdey HOTEL MARRIOTT NORTHWEST, waxaa ka soo qayb-galay dad kor u dhaafaya 600 oo qof oo marti sharaf ah kuwaas oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada. Martida waxaa kamid ahaa Ilhan Omar oo aad loogu rajo weyn yahay in ay noqoto gabadhii u horeysey ee Muslim ah ee kamid noqota aqalka Kongresska Maraykanka, waxaa kamid ahaa Cabdi Warsame mayorka xaafad kamid Minneapolis, Maxamed Nuur oo hadda loo doortey Aqalka Baarlamaanka gobolka, iyo siyaasiyiin kale oo Maraykan ah iyo Soomaali Ameerikaan ah.
Siyaasiyiinta Somali-Amirican ah ayaa isku raacey dhamaantood doorka uu ka soo qaatey Maxamuud Khaliif ololohoodi doorashada Eng. Jebiye iyo in uu midkasta goonidiisa u taageeray si ay u gaaraan halka ay maanta joogaan.
Eng. Maxamuud Khaliif Xassan ayaa khudbad qaadatey 40 daqiiqo ka jeediyey munaasabadda waxaana uu si rasmi ah ugu dhawaaqey 1 September 2018 in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland 2019.
Khudbadda uu jeediyey Musharax Maxamuud Khaliif ayaa soo jiidatey kumaankun Soomaaliyeed waxaana uu ku dheeraadey xaaladda Puntland iyo waxa uga qorsheysan haddii uu ku guuleysto tartanka doorashada.
Maxamuud Khaliif ayaa sheegay in mudadii ay Puntland jirtey maamuladii soo amrey ay wax qabteen waxna u dhiman yihiin ilaa hadda. Asaaskii Puntland ayuu ku sheegay in ay ahayd in dadka Puntland helaan maamul ay ku hirtaan, gaarsiiya himiooyinkooda iyo in lagu baadi goobo dowladii Soomaaliyeed ee burburtey lana soo celiyo qarankii Soomaaliyeed, labadaas hadaf ayuu sheegay in midkasta wax laga xaqiijiyey laakiin aysan gaarin halkii loo baahnaa.
Musharax Jebiye ayaa hoosta ka xariiqery in Puntland u baahan tahay hoggaamiye keena isbeddel dhab ah oo dalku ku baraaro.
DIRAASAD HORDHAC AH
Musharax Jebiye ayaa munaasabadda ku soo bandhigey diraasad ay sameeyeen labadii sano ee u danbeysey taas oo ay ka soo baxdey xaaladda dalku maraayo:

Diraasadda la soo bandhigey ayaa ka hadleysey qaybaha kala ah
- Amniga
- Caddaaladda
- Dhaqaalaha
- Arrimaha Bulshada
Musharaxa ayaa sheegay in ay soo baxdey xaalad u baahan in si dhakhso ah wax looga qabto.
Musharax Maxamuud Khaiif ayaa sheegay diraasadda ay sameeyeen in ay u soo baxdey in dadkii waxgalka ahaa ama dhaqaalaha haystey ay Puntland isaga baxeen waxaana uu tusaale u soo qaatey dalka Cumaan oo ay sanadihii u danbeeyey u guureen 1000 qoys, meelaha kale ee loo guurey waxaa kamid ah Galbeedka Soomaaliya sida Boorame.
Caqabadaha kale ee Musharax Jebiye uu sheegay waxaa kamid ah caddaalad darro waxaana uu tusaale u soo qaatey tartamada imtixaanada ee shaqooyinka in aan si caddaalad ah loo qaban, taas oo niyad jab ku noqotey ardeydii dalka wax u soo baratey in ay tahriibaan oo dalka ka cararaan, “Aradku waa dan, uskuguse waa doqoniimo” musuq maasqu waa uskag, haddii dhaqaalaheenu yar yahay waa dan, haddii si caddaalad ah loo qaybsado ayuu yiri Musharax Eng. Jebiye.
QORSHAHA MUSHARAX JEBIYE
Maxamuud Khaliif Jebiye ayaa sheegay isaga oo tixraacaya diraasadda ay sameeyeen in uu doonayo in uu wax ka qabto Puntland waxaana uu u kala hor mariyey sida ay u kala muhimsan tahay.’
“Waxaa noo soo baxdey in Amniga Puntland muddo dheer hoos u dhacaayey, waxaa noo soo baxdey in ay Puntland ka jirto musuqmaasuq baahsan, waxaan ku ogaaney dirasadda in caddaalad darro ba’an jirto, waxaa noo soo baxay hoos u dhac dhaqaale, arrimahaasi maaha kuwo hadda abuurmey ee waa kuwo muddo dheer soo jiitamaayey oo is biirsadey, waxaan marka u baahanahay in isbeddel dhab ah aan gaarno.
Maxamuud Khaliif Xassan Eng. Jebiye, 2018
DHISMAHA CIIDAMADA
Ciidamada difaaci lahaa ayuu ballan qaadey in dib u dhisaayo, wax ka qabanayo dhibaatada haysata, Dowladeydu waxay ka bilaaban ciidanka ayuu yiri, waxaan ka haqeyneynaa in ciidanku helo daryeelka ay u baahan yihiin oo dhan, waxaana u dhiseynaa Isbitaal gaar u ah oo caafimaadkooda iyaga iyo caruurtoodaba lagu daweeyo, sidoo kale waxaan ka shaqeyneynaa in kharajka waxbarashada caruurtooda laga khafiiyiyo ama ay bilaash ku dhistaan.
MIDNMADA PUNTLAND
Midnimada Puntland ayuu sheegay in ay tahay muqaddas lama taabtaan ah aidaas darteed waxa uu Musharuxu fariin u direy hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu uga digey in aanu isku dayin in uu dhiig kale daadiyo Sool iyo Sanaag ay Puntland yihiin, wuxuu ballan qaadey in uu ka shaqeynaayo in uu dhamaystiro khilaafaadka ka jira gobolka Sool, si loo ilaaliyo midnimada.

MAAMUL WANAAGA
Musharax Maxamuud Khaliif ayaa sheegay in dowladda uu Madaxweyne ka yahay dhidbada u taagi doonto dowlad maamul wanaag ku dhisan, isla markaana kala madax baneyn doono saddex hay’adood ee u sareeya dalka midba tan kale ay ilaalin doono, sidoo kale uu dhisi doono Maxkamadda dastuuriga ah ee asaaska u ah maamul wanaaga iyo dimoqraadiyadda.
CAADDAALADDA
Eng. Maxamuud Khaliif ayaa sheegay in ay hormarin iyo dib u habeyn ku samaynayaan garsoorka Puntland isla markaana shaqadooda loo madaxbaneynaayo, si shacabka Puntland u helaan caddaalad iyo garsoor ay ku naaloodaan.
LA DAGAALANKA MUSUQA
Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland Eng. Jebiye ayaa shacabka u xaqiijiyey in u la dagaalamayo musuqmaasuqa, Musuqa ayuu sheegay in uu hooyo iyo aabe yahay fakhriga, maamul xumida iyo caddaalad darrada, sidaas darteed waxaan hawlgelineynaa hantidhawrka guud oo shaqadiisa loo madax baneynayaa si uu u ilaaliyo qorshaha dowladeyda ee la dagaalanka Musuqa, sidaas si lamid ah ayaan dooneynaa in xafiiska xisaabayaha guud noqdo mid macno leh oo la xisaabtami kara hay’adaha dowladda, si loogu dhaqmo Miisaaniyadda la dejiyey.
DHAQAALAHA
Maxamuud Khaliif Xassan ayaa sheegay isaga oo ka faa’ideysanaya khibradda ganacsi oo uu le yahay in uu wax ka qaban doono dhaqaalaha burburay ee Puntland, wuxuu hoosta ka xariiqey in ay dhisayaan sharci ilaalinaya maalgashiyaasha kaas oo si dhab ah u qeexan, Jebiye ayaa sheegay in uu dhiiri gelinaayo kana qaybqaadanayo wershadaha yaryar taas oo looga maarmi doono waxyaabo badan oo dibadda laga keeno oo laga maarmi karo.
DIOQRAADIYADDA IYO XISBIYADA
Musharax Maxamuud Khaliif ayaa sheegay in sanadka kowaad ee dowladiisa uu hirgelin dono nidaamka xisbiyada isaga oo ka faa’ideysanaya khibraddii laga dhaxley maamuladii hore ee ku fashilmey, taas oo looga bixi karo nidaamka beelaha ee hadda wax lagu doorto.
GEBAGEBO
“Markaan dalka diraasad ku sameeyey, waddanka aan dhex marey xaaladda aan si wanaagsan u dersey in badana ay igula taliyeen, waxaan caawa lee yahay dadkii ila taliyey ee igu dhiirigeliyey in aan isa sharaxo codkiini waan maqley, waan ajiibey, caawa waxaan ku dhawaaqayaa in aan ahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland, waxaana idinka dalban in aad igula shaqeysaan.
Maxamuud Khaliif Xassan (Eng. jebiye)
Xafiiska Ololaha doorashada Musharax Jebiye 2019 HOOS KA DAAWO KHUDBADDA OO DHAMAYTIRAN
Leave a Reply