WAR SAXAAFADEED

Maxamuud Khaliif Xassan (Eng. Jebiye) oo u taagan doorashada xilka Madaxweynaha Puntland 2019 haatana ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka qaybqaatey hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo qayb ka ah horumarka bulshada.
Musharax Jebiye ayaa maalintii arbacada booqday wadadada dhexmarta magaalada Gaalkacyo oo ahayd mid aad u burbursan, taas oo hadda lagu dhisaayo isku tashi ka yimid bulshada Gaalkacyo, waxa uu warbixin ka dhegaystey guddiga dhismaha wadada oo soo gudbiyey heerarka ay soo martey waxa u qabsoomey iyo caqabadaha jira. Musharax Jebiye ayaa sheegay in isagu u taagan yahay waxa dantu ugu jirto shacabka in uu ka qaato qayb libaax, taas oo aan ku xirneyn tartanka doorashada ee uu ku jiro, wuxuu ka sheekeeyey muhimadda ay ledahay wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe oo uu ku tilmaamey in ay tahay wadnaha umadda Soomaaliyeed, maadaama Gaalkacyo ay dhacdo qalbiga Soomaaliya.
Musharax Jebiye ayaa $10 000 oo dollarka Maraykanka ah ugu deeqay wadada dhex marta gudaha Gaalkacyo taas oo aan ahayn ballan qaad ee lagu wareejiyey guddiga dhismaha wadada. Guddiga ayaa uga mahad celiyey Musharax Jebiye deeqda lacageed ee uu guddoonsiiyey.
GAROONKA CAWAALE STADIUM.

Sidoo kale Musharax Jebiye waxa uu booqdey dhisamaha garoonka kubadda cagta ee Cawaale oo ay dhismihiisa wadaan is xlqaamayaa u kacay dhalinta Gaalkacyo. Injineer Jebiye ayaa indhihiisa ku arkey hawsha baaxadda leh ee ka socota garoonka, waxaana uu warbixin ka dhegeystey guddiga dhismaha Garoonka Cawaale Stadium. Guddiga ayaa sheegay in shaqada garoonku marayso meel wanaagsan, waxa ugu weyn oo ay haystaan ay tahay niyad wanaagsan iyo adkeysi.
Musharax Jebiye oo khudbad kooban ka jeediyey garoonka Cawaale Stadium dhexdiisa ayaa sheegay in dhalinyrada Puntland ay yihiin awooda dalka ka jirta, oo ay mudan yihiin in la garab istaago laga qaybqaato barnaamijyada wax ku oolka ah ee dhalinyrada waxtarka leh ee ay u horeyso hirgelinta goobaha ciyaaraha iyo ishdexgalka bulshada oo ka qaybqaata nabadda, dhismaha jidh caafimaad qaba, ka hortagga tahriibta iyo weliba diyaar garowga tartanka iyo beratanka.
Maxamuud Khaliif Xassan ayaa guddiga dhismaha garoonka kubadda cagta ee Cawaale ku wareejiyey $10 000 oo dollarka Maraykanka ah. Guddiga ayaa sheegay in uu yahay musharixii u horeysey ama masuulki u horeeyey ee dhaqaale intaas le’eg siiya, taas oo aysan mar naba ilaawi doonin.
Musharax Maxamuud Khaliif ayaa ah shakhsi lagu yaqaano in uu ka qabqaato, mashariicda adeega Bulshada sida isbitaalada, Waxbarashada, Jidadka, daryeelka Agoomaha I.W.M.
XAFIISKA OLOLAHA DOORASHADA MUSHARAX JEBIYE
Leave a Reply