• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Is-af-garad laga gaaray hannaanka loo sugayo ammaanka Garoowe inta lagu guda jiro xilliga doorashada

December 22, 2018

FacebookTweetPin

Shir afar geesood ahaa ayaa galabta magaalada Garoowe ku dhex maray isimmada Puntland, musharraxiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha Puntland, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo saraakiisha laamaha ammaanka.

Shirka oo ka dhacay hoyga uu magaalada Garoowe ka deggen yahay Islaan Ciise Islaan Maxamad, waxay ujeedadiisu ahayd in laysku afgarto hannaanka loo sugayo ammaanka caasimadda ee xilliga doorashada iyo weliba habka uu u shaqeynayo Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo musharraxiintu horay walaac xooggan uga muujiyeen.

Shirku markii uu soo gabagaboobay kaddib waxaa si kooban warbaahinta ula hadlay afhayeenka musharraxiinta, isagoo sheegay in laysku afgartay dhammaan qodobbadii shirka layskula soo qaaday. Afhayeenku wuxuu sidoo kale xusy in isimmadu ballan qaadeen in wax kasta si hufan oo xalaal ah ku qabsoomi doonaan, wixii khaldamana ay mas’uuliyaddooda iyagu qaadi doonaan.

Shirka afar geesoodka ah ee ay maanta Garoowe ku yeesheen isimmada Puntland, musharraxiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha Puntland, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo saraakiisha laamaha ammaanku wuxuu kusoo aadayaa xilli ay muddo labo toddobaad ahi ka harsan tahay waqtiga loo madlan yahay doorashada madaxtinimada Puntland oo ah 8da bisha Janaayo ee sannadka 2019.

Post Views: 842

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19