• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Maxamuud Khaliif Jebiye oo dhaqaale ugu yaboohay Isbitaalka iyo Machadka Diinta ee Dhahar

November 21, 2018

FacebookTweetPin

NOVEMBER 21, 2018 (DHAHAR) – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa lacag ugu deeqay Isbitaalka Degmada Dhahar iyo Machadka Barashada Diinta ee Dhahar.

Musharraxa wuxuu $15,000 (shan iyo toban kun oo doollar) ugu deeqay Machadka Barashada Diinta ee Dhahar. Dhismaha Machadka oo xilligan qabyo ah, waxaa lagu bilaabay dhaqaale ay iska soo uruuriyeen qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Dhahar.

Sidoo kale, Musharraxu wuxuu ballan qaaday in uu bixinayo kharashka ku baxaya qalabaynta saalada qalliinka dhalmada ee Isbitaalka Dhahar, qalabkaas oo maamulka isbitaalku sheegeen in qiimihiisu yahay $17,000 (todoba iyo toban kun oo doollar).

Bulshada degmada Dhahar ayaa uga mahadceliyey Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye kaalinta uu ka qaatay horumarinta degmada Dhahar, iyagoo ballan qaaday in ay sii joogtayn doonaan taageerada ay u hayaan Ololaha Karti iyo Hufnaan.

Post Views: 630

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19