• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Maxamuud Khaliif oo xarunta agoonta Gaalkacyo ugu deeqay $5000 oo dollar

November 8, 2018

FacebookTweetPin

Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland doorashada 2019 Maxamuud Khaliif Xassan ayaa booqdey xarunta agoomaha ee magalada Gaalkacyo, waxaana uu dhegaystey baahida ay qabto xaruntaasi.

Maamulka xarunta agoomaha ee Gaalkacyo ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee xarunta, oo u qaabeysan hab waxbarasho taas oo soo saarta aqonyahan badan oo maanta dalka ka shaqeeya.

Maxamuud Khaliif ayaa u sameeyey caruurta agoonta quraac wanaagsan waxaana uu mid mid u gacan qaadey ardeyda agoomaha isaga oo la fariistey lana quraacday.

Musharaxa xilka Madaxweyynaha Puntland oo horey deeq lacag iyo agab isugu jirta gaarisiiyey xarumaha lagu daryeelo bulshada, ayaa sheegay in agoonka oo la gacan qabtaa oo la kafaalo qaado ay diinteena ka joogto maqaam sare, Nebiguna naxariis korkiisa ha ahaatee uu isku metaalay isaga iyo kan agoonka kafaala qaada in ay janada isku meel ka tegayaan.

Maxamuud Khaliif ayaa ugu deeqay xarunta agoonta ee Gaalkacyo dhaqaale gaaraya $5000 dollarka Maraykanka ah taas oo lagu kabayo miisaaniyadda billaha ah ee xarunta.

Mudadii uu joogey Maxamuud Khaliif Xassan Puntland ayuu boqolaalkun oo dollar ku bixiyiyey mushaariic iyo daryeelka Bulshada.

XAFIISKA OLOLAHA DOORASHADA MAXAMUUD KHALIIF
https://mkh2019.com
facebook.com/mkh2019
twitter.com/mkh2019

Post Views: 889

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19