• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharax Jebiye oo kulan ballaaran la qaatey Bulshada Gaalkacyo

November 9, 2018

FacebookTweetPin

Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 ayaa kulan ballaran la qaatey bulshada Gaalkacyo. Xaflad si heersare ah loo soo agaasimey oo ka dhacdey hoolka weyn ee Hotel Uunlaaye ayaa waxaa ka soo qabgalay qaybaha bulshadu ka kooban tahay sida Dhalinyarada, Haweenka, Nabadoonada iyo Guurtidda.

Xafladda waxaa laga soo jeediyey khudbado kala duwan oo ay soo jeediyeen wefdigii la socdey Musharaxa Madaxweynaha, kuwaas oo sheegay in ay bulshada u wadaan musharax Maxamuud Khaliif, waxaana ay faahfaahin iyo faallooyin ka bixiyeen sifooyinka ay ku soo doorteen.

Musharax Maxamuud Khaliif ayaa maalmihii uu joogey Gaalkacyo ka qaybqaatey mashaariic badan iyo weliba daryeelka bulshada tabaaleysan sida agoonta, waxaana uu dhaqaale gaaraya $25000 oo dollarka Maraykanka ah ugu deeqay dhismaha wadada marta bartamaha Gaalkacyo, dhismaha Garoonka Cawaale iyo weliba Xarunta xanaanada agoonta ee Gaalkacyo.

Masuuliyiin ka socotey xarumihii loogu deeqay dhaqaalaha oo ka hadley xafladda ayaa sheegay in Maxamuud Khaliif uu garab istaagan yahay bulshada ugana mahad celinayaan sida uu u qaddariyey isla markaana uga qaybqaatey daboolida baahida, waxay musharaxa ku booriyeen in haddii uu xilka qabto halkaas ka sii wado barnaamijyada kheyriga ah.

Qaar kamid ah nabadoonada gobolka Mudug oo ay ka mid ahaayeen nabadoon Cabdiqani, Nabadoon Gaani, Nabadoon Xaarin iyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad ayaa dhamaantood uga mahad celiyey musharaxa shaqada uu wado, waxaana ay ugu duceeyeen in rabbi xilka ku guuleysiiyo.

Ugu danbeyntii Musharax Jebiye ayaa xafladda ka jeediyey khudbad dhinacyo bada taabanaysa, taas oo ay asaas u ahayd cilmi baaris muddo qaadatey oo uu dalka ku sameeyey sida ay tahay xaaladda Amniga, adeega Bulshada, Maamul wanaaga iyo ilaalinta deegaanka. Maxamuud Khaliif ayaa ballan qaadey in uu Puntland isbeddel ka hirgelin doono haddii uu xilka ku guuleysto, oo uu dabooli doono dhamaan baahiyada hadda yaala isaga oo kaashanaya barnaamijkiisa siyaasadeed iyo bulshada Puntland.


XAFIISKA OLOLAHA DOORASHADA MUSHARAX JEBIYE
https://mkh2019.com
facebook.com/mkh2019
twitter.com/mkh2019

Post Views: 709

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19