• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharax Jebiye oo si diiran loogu soo dhaweeyey degmada Galdogob

November 9, 2018

FacebookTweetPin

Murashaxa xilka Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 Maxamuud Khaliif Xasan (Eng. Jebiye) oo ku guda jira socdaalkiisii gobolada Puntland gaar ahaan gobolka Mudug ayaa maanta oo Jimce ah gaaray magaaladda Galdogob. Goob magaalada ka baxsan waxaa uga hortegey wefdiga Musharaxa qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaaada Galdogob kuwaas oo caleema qoyas ku soo dhaweeyey wefdiga musharaxa.

Maxamuud Khaliif ayaa markii uu soo gaarey goobtii soo dhaweynta ka soo degey gaarigiisi, waxaana uu mid mid u gacan qaadey shacabkii soo dhaweeyey intooda badan.

Qaar kamid ah shacabkii soo dhaweeyey uu codbaahiyaha kula hadley dadweynaha iyo wefdiga u yimid ayaa muujiyey taageerada ay u hayaan Musharax Maxamuud Khaliif oo ay ku tilmaameen qof daa’imy in uu ka qaybqaato arimaha dantu ugu jirto bulshada, sidaas darteed uu ku habboon yahay in uu dalka hoggaamiyo.

Maxamuud Khaliif Xassan Musharaxa Madaxweynaha Puntand ayaa uga mahad celiyey shacabka Galdogob soo dhaweynta diiran. Galdogob ayu ku tilmaamey in a tahay magaalo istaatiiji ah isku xiri karta dhaqaalaha gobolka iyo kan ka baxaya, sidaas darteed uu ka shaqeyn doono hormarkeeda.

Musharaxa ayaa joogaya maalmaha soo socd magaalada galodob ka hor inta aanu soo afmeerin safarkiisi gobolka Mudug una gudbin gobolka xiga.

XAFIISKA OLOLAHA DOORASHADA MAXAMUUD KHALIIF https://mkh2019.com
facebook.com/mkh2019
twitter.com/mkh2019

Post Views: 994

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19