• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharrax Jebiye oo $10,000 ugu deeqay garoonka kubadda cagta ee Garoowe

December 20, 2018

FacebookTweetPin

DECEMBER 20, 2018 (GAROOWE) – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa lacag ugu deeqay garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe.

Lacagtan oo dhammayd $10,000 (toban kun oo doollar), wuxuu musharraxu ugu talo galay inay qayb ka noqoto kharashka ku baxaya dayactirka garoonka Mire Awaare.

Munaasabadda lacag wareejinta oo isla garoonka lagu qabtay waxaa kasoo qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Garoowe iyo guddiga loo xilsaaray mashruuca dayactirka garoonka.

This slideshow requires JavaScript.

Musharrax Jebiye ayaa sheegay in horumarinta ciyaaruhu muhiimad weyn u leedahay bulsho walba, maadaama ay kaalin libaax ka qaadato is-dhex-galka bulshada, sugidda amniga iyo kor u qaadista wacyiga bulshada.

Musharraxu wuxuu ballan qaaday haddii uu doorashada ku guuleysto in uu si buuxda u dhammeystiri doono garoonka Mire Awaare, si uu u noqdo garoon caalami ah oo dhammaan adeegyadiisu u dhammeystiran yihiin.

Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa tan iyo markii uu shaaciyey in uu yahay musharrax u taagan xilka Madaxwaynaha Puntland, wuxuu mashaariicda arrimaha bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Puntland ku bixiyey adduun lacageed oo gaaraya nus malyuun doollar.

Post Views: 1,247

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19