• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharrax Jebiye oo $10,000 ugu deeqay Sheybaarka Jaamacadda Boosaaso

November 16, 2018

FacebookTweetPin

WAR-SAXAAFADEED

November 16, 2018 (Boosaaso) – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada sannadka 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye, ayaa lacag dhan $10,000 (toban kun oo doollar) ugu deeqay Jaamacadda Boosaaso, xarunteeda dhexe ee magaalada Boosaaso.

Musharrax Jebiye wuxuu deeqdan ugu talo galay inay qayb ka noqoto kharashaadka ku baxaya dhismaha shaybaarka sayniska ee Jaamacadda Boosaaso, kaddib markii maamulka Jaamacaddu usoo gudbiyeen baahiyo dhowr ah oo jaamacaddu qabto, kana codsadeen in uu hirgelintooda gacan ka geysto.

Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu dhinaca kale kulan xog waraysi ah la qaatay ardayda wax ka barta kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Boosaaso, isagoo warbixin kooban ka siiyey qorshihiisa siyaasadeed iyo mabaad’ida uu dalka ku hoggaamin doono haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland.

Musharraxu wuxuu dhallinyarada u ballan qaaday in haddii xilka Madaxwaynaha Puntland loo doorto uu shaqo abuur u samayn doono da’yarta reer Puntland.

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in uu dadaal dheeri ah gelin doono tayeynta waxbarashada, maadaama dhallinyaradu qayb muhiim ah ka yihiin bulshada waajibna ay tahay in mustaqbalkooda xil weyn layska saaro.

Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Musharrax Jebiye wuxuu deeqdan ugu talo galay inay qayb ka noqoto kharashaadka ku baxaya dhismaha saybaarka sayniska ee Jaamacadda Boosaaso, kaddib markii maamulka Jaamacaddu usoo gudbiyeen baahiyo dhowr ah oo jaamacaddu qabto, kana codsadeen in uu hirgelintooda gacan ka geysto.

Musharraxu wuxuu dhallinyarada u ballan qaaday in haddii xilka Madaxwaynaha Puntland loo doorto uu shaqo abuur u samayn doono da’yarta reer Puntland.

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in uu dadaal dheeri ah gelin doono tayeynta waxbarashada, maadaama dhallinyaradu qayb muhiim ah ka yihiin bulshada waajibna ay tahay in mustaqbalkooda xil weyn layska saaro.

Post Views: 477

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19