• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharrax Jebiye oo $20,000 ugu deeqay horumarinta degmada Dangorayo

November 25, 2018

FacebookTweetPin

November 25, 2018 (DAN-GORAYO) – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa si mug weyn maanta loogu soo dhoweeyey degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Kumannaan dadwayne ah oo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay kamid yihiin “Annagu Jebiyaanu Nahay, kulligeen Jebiyaanu nahay”, kuwaas oo ruxayey callamo iyo caleemo qoyan ayaa musharraxa kusoo dhoweeyey bartamaha degmada Dangorayo.

Musharraxa ayaa intaas kaddib loo soo gelbiyey Dugsiga Sare ee Kalyixeed, halkaasoo uu bulshada kul hadlay, isagoo ugu horrayn ka mahadceliyey sida qiimaha badan ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey.

Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu sheegay in degmada Dangorayo tahay degmo muhiim ah oo dhacda goob istaraatiiji ah, ayna mudan tahay in baahiyaheeda si dhaqso ah looga jawaabo, xil gaar ahna layska saaro.

Taas isagoo ka jawaabaya, Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye wuxuu degmada Dangorayo ugu deeqay $20,000 (labaatan kun oo doollar), lacagtaas oo lagu bixin doono mashaariicda dhanka horumarinta ee degmada Dangorayo.

Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Injineer Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid Musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka, islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Post Views: 1,055

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19