• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharrax Jebiye oo $50,000 ugu deeqay mashruuca lagu dayactirayo waddada halbowlaha ah ee Boosaaso

November 16, 2018

FacebookTweetPin

November 16, 2018 (Boosaaso) – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa $50,000 (konton kun oo doollar) ugu deeqay guddiga loo xil saaray dayactirka waddada laamiga ah dhex marta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Musharraxa ayaa sheegay inay waajib tahay in laga qayb qaato mashaariicda danta guud gaar ahaan dhismaha waddooyinka, isagoo xusay in jidkani aad muhiim ugu yahay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Boosaaso.

Injineerku wuxuu dhinaca kale ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu dayactir ku samayn doono dhammaan jidadka halbowlaha u ah isku xirka iyo ganacsiga deegaannada Puntland.

Sheekh Maxamad Macallin oo ku hadlayey afka Guddiga Dayactirka Jidka Boosaaso ayaa uga mahadceliyey musharraxa gacanta uu ka gaystay mashruucan, isagoo Ilaah uga baryey in deeqdan beddelkeeda uu miisaanka xasanaadka ugu kordhiyo.

Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Post Views: 340

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2021 · Jebiye'19