• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharrax Jebiye oo degmada Waaciye si weyn loogu soo dhoweeyey

November 20, 2018

FacebookTweetPin

November 20, 2018 (WAACIYE) – Degmada Waaciye ee gobolka Karkaar waxaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye.

Boqollaal dadwayne ah oo isugu jirey qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa isugu soo baxay fagaaraha degmada Waaciye, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Musharrax Jebiye iyo ololihiisa Karti iyo Hufnaan.

Injineerku wuxuu bulshada Waaciye uga mahadceliyey sida xurmada leh ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey, wuxuuna ballan qaaday in marnaba aanu hilmaami doonin taageerada ay bulshada Waaciye u muujiyeen Ololaha Karti iyo Hufnaan.

Musharrax Jebiye ayaa kahor imaatinkiisa degmada Waaciye wuxuu soo maray si weynna loogu soo dhoweeyey deegaannada Carta, Laas Barwaaqo, Juurile, Dalweyn iyo Alxamdulillaah.

Bulshooyinka deegaannadaas ku dhaqan ayaa Musharraxa uga mahad celiyey sida uu mudnaanta u siiyey codsigooda ah inuu deegaannadooda soo booqdo, iyagoo sheegay inay tahay markii ugu horraysey ee ay arkaan musharrax soo u yimaada oo dhegaysta tabashooyinka ay qabaan.

Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Post Views: 591

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19