• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharrax Jebiye oo hambalyo u diray guddoonka cusub ee Baarlammaanka Puntland

January 5, 2019

FacebookTweetPin

Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019 ayaa hambalyo u diray guddoonka cusub ee loo doortay Baarlammaanka shanaad ee Dowladda Puntland.

Musharraxa ayaa guul u rajeeyey Guddoomiyaha cusub ee Baarlammaanka Cabdixakiim Maxamed Axmad (Dhoobo) iyo labadiisa ku xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamad Warsame.

Saddexda mas’uul, wuxuu Eebbe uga baryey inuu ku asturo una fududeeyo xilalka culus ee loo dhiibay. Musharraxa ayaa kula dardaarmay in waajibaadka qaran ee loo idmaday ay si karti iyo hufnaani ku dheehan tahay u gutaan.

Mudaneyaasha Baarlammaanka Puntland, wuxuu iyagana ku ammaanay uguna hambalyeeyey sida xil-kasnimada ah ee quruxda badan ee guddoonkooda cusub ay usoo doorteen, isagoo ku boorriyey sidaas si lamid ah inay cidda munaasibka ku ah ugu doortaan Madaxwaynaha Puntland.

Post Views: 1,224

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19