• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharrax Jebiye oo kormeer sameeyey taakulayn joogto ahna u ballan qaaday Xarunta Agoomaha ee Qardho

November 24, 2018

FacebookTweetPin

November 24, 2018 (QARDHO) – Musharraxa xilka Madaxwaynaya Puntland ee sannadka 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa maanta kormeer ku tegay qaar kamid ah xarumaha caafimaadka iyo kuwa waxbarashada ee degmada Qardho.

Ugu horrayn, Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye wuxuu booqday isbitaalka guud ee degmada Qardho. Musharraxa ayaa soo indha indheeyey qaybo kamid ah isbitaalka oo dayactir lagu sameeyey, isagoo aad ula dhacay aadna u bogaadiyey shaqada wanaagsan ee maamulka Isbitaalka Qardho ay qabteen.

Isbitaalka kaddib, Musharraxu wuxuu sii maray Machadka Tababarka Caafimaadka ee Karkaar, isagoo la dardaarmay ardayda machadkaas wax ka barta oo gabdho u badan, kuna boorriyey in ay bulshadooda cilmiga ay barteen ugu adeegaan.

Goobaha uu Musharraxu booqday waxaa kamid ahaa, Xarunta Xannaanada Agoomaha Xannaan ee degmada Qardho. Injineer Maxamuud ayaa kaddib markii uu qiimeeyey baahiyaha ay xaruntaasi qabto, wuxuu ballan qaaday in noloshiisa inta ka dhiman uu bil kasta xaruntaas siin doono $2,100 (labo kun iyo boqol doollar), lacagtaas oo ah kalabar kharashka billaha ah ee ku baxa Xarunta Agoomaha Xannaan ee magaalada Qardho.

Ugu dambayntii, Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye wuxuu kormeer ku tegay dugsiga Sheekh Cismaan Qardho. Dugsigaas ayaa ah halka uu Musharrax Jebiye kusoo qaatay waxbarashadiisii dugsiga dhexe iyo tan dugsiga sare, wuxuuna ka qalin jebiyey sannadkii 1984. 

Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Injineer Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid Musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka, islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Post Views: 899

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19