• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharrax Jebiye oo lacag ugu deeqay dugsiga sare ee deegaanka Sheerbi

November 22, 2018

FacebookTweetPin

NOVEMBER 22, 2018 (SHEERBI) – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa lacag ugu deeqay dugsiga sare ee deegaanka Sheerbi ee gobolka Karkaar.

Musharraxu wuxuu ku deeqay $10,000 (toban kun oo doollar), lacagtaas oo loo adeegsan doono dhismaha deyrka dugsiga sare ee Sheerbi iyo kordhinta fasalladda ay ardaydu wax ku bartaan.

Bulshada degmada Sheerbi ayaa uga mahad celiyey Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye kaalinta uu ka qaatay horumarinta deegaanka Sheerbi, iyagoo ballan qaaday in ay sii joogtayn doonaan taageerada ay u hayaan Ololaha Karti iyo Hufnaan.

Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Injineer Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid  Musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka, islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Post Views: 585

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19