• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharrax Jebiye oo lacag ugu deeqay isbitaalka iyo xarumaha agoonta ee Badhan

November 19, 2018

FacebookTweetPin

November 18, 2018 (BADHAN) – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa maanta kormeeray xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho oo ku yaalla degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Musharraxa ayaa ugu horrayn tegay isbitaalka guud ee degmada Badhan, halkaasoo uu ku booqday qaar kamid ah bukaannda, kulan xog warasi ahna kula qaatay maamula isbitaalka. Jebiye aaa aad ula dhacay habsami u socodka shaqo ee isbitaalka Badhan iyo sida nadaafaddiisa loo ilaaliyey, wuxuuna isagoo taas ka duulaya isbitaalka ugu deeqay $10,000 (toban kun oo doollar).

Isbitaalka kaddib, musharraxu wuxuu booqday skuulka Alnuur, halkaasoo uu kula kulmay qaar kamid ah ubadka agoonta ah ee wax ka barta dugsiyada hoose dhexe ee degmada Badhan. Injineer Jebiye ayaa ubadkaas uu deeqay lacag dhan $5,000 (shan kun oo doollar), si loogu kaabo kharashaadka ku baxa waxbarashadooda.

Musharraxu wuxuu sidoo kale booqday dugsiga Al raxma, kaasoo wax lagu baro ubad isugu jira agoon iyo kuwo kasoo jeeda qoysas danyar ah. Lacag dhan $5,000 (shan kun oo doollar) ayuu musharraxu dugsigaasna ugu deeqay.

Ugu dambeyntii, Musharrax Jebiye wuxuu soo kormeeray dhismaha cusub ee Jaamacadda Maakhir, kaas oo dhowaan xarigga laga jaray balse aan weli si rasmi ah u shaqo bilaabin.

Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’, kaasoo ah mid uu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka, islamarkaana kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Post Views: 529

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19