• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharrax Jebiye oo salaan ugu tegay Baashi Cabdullaahi Maxamuud lana qaxweeyey bulshada Garoowe

December 23, 2018

FacebookTweetPin

DECEMBER 23, 2018 – Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Injineer Jebiye ayaa hoyga uu magaalada Garoowe ka deggen yahay ku booqday Baashe Cabdullaahi Maxamuud Aw-Cismaan.

Baashiga ayaa ugu duceeyey Musharrax Jebiye in Eebbe u hirgeliyo hammigiisa siyaasadeed kuna guuleeyo ololaha uu ugu jiro sidii uu ku hanan lahaa xilka Madaxwaynaha Puntland.

Dhinaca kale, Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa isla maanta bulshada kula shaaheeyey waqtina kula soo qaatay maqaaayadda Kallis ee magaalada Garoowe.

Qaar kamid ah dadwaynihii goobtaas ku sugnaa ayaa musharraxa bariidiyey si furanna ula sheekaystay, iyagoo xusay inay aad ugu riyaaqeen booqashada kediska ah ee musharraxu goobtaas ku tegay iyo weliba sida uu mar kasta u yahay siyaasi jecel in uu bulshadisa ku dhex jiro.

Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Shube oo kamid ahaa mas’uuliyiintii goobtaas sida kediska ah Musharrax Jebiye ugula kulmay, wuxuu sheegay in musharraxa maanta laga bilaabo uu ugu wanqalay magac cusub kaasoo ah ‘Jimciye’, isagoo Ilaah uga baryey in uu ka dhigo kii bulshada Puntland culayska saaran ka jimciya [fududeeya].

This slideshow requires JavaScript.

 

Post Views: 1,165

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19