• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharrax Jebiye oo salaan ugu tegay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan

November 17, 2018

FacebookTweetPin

November 17, 2018 (BADHAN) – Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Injineer Jebiye ayaa Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ku booqday hoyga uu ka deggen yahay magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Ujeedada booqashada ayaa ahayd bariidin iyo; in Musharraxa iyo Suldaanku si kooban isaga xog waraystaan xaaladda guud ee gobolka Sanaag.

Suldaan Siciid iyo Musharrax Jebiye ayaa kulankooda kaddib si kooban warbaahinta ula halday, Musharraxa oo hadalka ku horreeyey ayaa sheegay inay sharaf u tahay in uu la kulmo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam oo kamid ah isimmada aadka looga qaddariyo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Musharraxa ayaa dhinaca kale ka mahad celiyey soo dhoweynta qiimaha badan ee isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyey degamada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Suldaan Siciid oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa xusay in bulshada gobolka Sanaag ay farxad weyn u tahay booqashada Injineer Maxamuud Khaliif, isagoo ugu duceeyey Musharraxa in Eebbe u hirgeliyo hammigiisa siyaasadeed iyo ololaha uu ugu jiro madaxtinimada Puntland.

Masharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ku marayo gobollada Puntland, si uu ugu kuur galo xaaladda dalka ulana tashado qaybaha kala duwan ee bulshada.

Post Views: 817

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19