November 17, 2018 (BADHAN) ā Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019 Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.
Boqollaal dadwayne ah oo soo dhoweyntiisa uusoo baxay ayuu Musharrax Jebiye kula hadlay goob fagaare ah, wuxuuna sheegay in abidkiis aanu la kulmin soo dhoweyn ka ballaaran midda ay reer Badhan isaga iyo wafdigiisa ku qaabileen.
Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu dhammaystiri doono mashaariicda horumarinta ee ka socda gobolka Sanaag, gaar ahaan mashruuca laamiga lagu saarayo jidka isku xira magaalooyinka Ceel-daahir iyo Ceerigaabo.
Musharraxu wuxuu sidoo kale ballan qaaday in uu degmada Badhan ka dhisi doono qasri madaxtooyo, kaas oo xilliyada qaar noqon doona xafiiska rasmiga ah ee Madaxwaynaha Puntland ku shaqeeyo.
Musharraxa iyo wafdigiisa oo kasoo ambabaxay magaalada Boosaaso, waxay kahor intaysan Badhan soo gaarin soo mareen deegaanno ay kamid yihiin Ceel-daahir, Cawsane, Mindi-gale, Rad iyo Gumar, halkaas oo soo dhoweyn diirran musharraxu kala kulmay.
Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Leave a Reply