• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharrax Jebiye oo war kasoo saaray liisaska is khilaafsan ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaannada

December 4, 2018

FacebookTweetPin
WAR SAXAAFADEED
 
4.12.2018
 
 
 
Ujeedo: Liisaska is khilaafsan ee guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland
 
Kadib markaan aragney liisaska is khilaafsan   ee magacaabidda guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada golaha wakiilada ee Puntland ee ka soo kala  baxay isla Dowladda Puntland, waxaan hoosta ka xariiqeynaa in ay soo baxdey waxyaabihii aan ka digeyney ee la xiriirta magacaabista guddiga xalinta khilafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada golaha wakiilada, taas oo horseedi karta khalkhal siyaasadeed.
 
Waxaa nasiib darro ah in hoggaanka sare ee Dowladda Puntland ay ku fashilmeen in la soo magacaabo guddi loo dhan yahay oo talo laga geliyey musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland.  Liisaska kala duwan ee soo baxay waxay muujineysa khatarta   ka soo socota nidaamkii iyo haykalkii dowladnimo ee Puntland taas oo ah mid aan horey u dhicin. 
 
Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Anisixnta Xildhibaanadu waa in ay noqdaan kuwo leh waayo-aragnimo la xiriirta xalinta arrimaha khilaafaadka,  aqoon u leh dhaqanka iyo nidaamka beelaha, dhex-dhexaad ka ah arrimaha siyaasadda, bulshada dhexdeedana ku leh sumcad iyo ixtiraam. 
 
TALO SOO JEEDIN
 
Haddaba waxaan ku baaqaynaa in la isgu yimaado shir deg-deg ah, oo ay ka soo qayb-galaan Hoggaanka Puntland ee xilku ka sii dhamaanayo, Musharixiinta, iyo Isimada Puntland si looga wadatashado guddiga  xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada, si ay u soo baxaan Xildhibaanada haysta saxiixa rasmiga ah iyo oggolaanshaha hoggaamiye dhaqameedyada beeshooda, taas oo horseedi karta in ay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.
 
BAAQ
 
Dhamaan daneeyaasha arrimaha Puntland waxaan ugu baaqeynaa in ay si toos ah ula socdaan  geedi socodka doorashada Puntland, si loo ilaaliyo nabadda, wadajirka iyo nidaamka dowldnimo ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
 
Musharax Maxamuud Khaliif Xassan (Eng. Jebiye)
Post Views: 843

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19