• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharrax Maxamuud Khaliif Jebiye oo lacag ugu deeqay isbitaalka iyo garoonka kubadda cagta ee Waaciye

November 20, 2018

FacebookTweetPin

November 21, 2018 (WAACIYE) – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa lacag ugu deeqay isbitaalka iyo garoonka kubadda cagta ee degmada Waaciye.

Musharraxa ayaa $10,000 (toban kun oo doollar) ugu deeqay garoonka kubadda cagta ee Waaciye. Dhismaha garoonka oo xilligan qabyo ah, waxaa bilaabay Ururka Dhallinta Is-xil-qaameyaasha Puntland oo kaashanaya bulshada degmada Waaciye.

Sidoo kale, Musharraxu wuxuu $15,000 (shan iyo toban kun oo doollar) ugu deeqay Isbitaalka degmada Waaciye ee gobolka Karkaar. Lacagtan ayaa qayb ka noqon doonta kharashaadka ku baxaya ballaarinta qaybta bukaan-jiifka ee isbitaalka.

Bulshada degmada Waaciye ayaa uga mahadceliyey Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye kaalinta uu ka qaatay horumarinta degmada Waaciye, iyagoo ballan qaaday in ay sii joogtayn doonaan taageerada ay u hayaan Ololaha Karti iy Hufnaan.

Post Views: 643

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19