• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Musharrax Maxamuud Khaliif Jebiye oo soo dhoweyn diirran Qardho loogu sameeyey

November 23, 2018

FacebookTweetPin

November 22, 2018 (QARDHO) – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa si mug leh loogu soo dhoweeyey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Kumannaan dadwayne ah oo soo dhoweyntiisa usoo baxay ayuu Musharrax Jebiye kula hadlay fagaaraha Barxadda Qardho, wuxuuna ugu mahadceliyey sida qiimaha badan ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey.

Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu wax ka qaban doono baahiyaha ay degmadu qabto, gaar ahaan tayeynta adeegyada waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha.

Dhinaca kale, Musharraxu wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in musharraxiinta qaar loo diido inay dibadbaxyo ku qabsadaan Barxadda Qardho, isagoo xusay in goobtani tahay goob dadwayne ujeedada loo dhisayna tahay in shacabku isu soo baxyadooda si nabad ah ugu qabsadaan.

Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Injineer Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid Musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka, islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Post Views: 497

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19