• Skip to main content
  • Skip to primary sidebar

Mohamud Khalif Hassan (Jebiye)

Puntland presidential candidate - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019

  • Home
  • About
    • Team
  • Issues
    • Social affairs
    • Security
    • Economic
    • Youth
    • Environment
  • News
    • Press release
  • Events
  • Media
    • Gallery
    • Videos
  • Contact us

Qorshe-siyaasadeedka Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye

January 1, 2019

FacebookTweetPin

Janaayo 1, 2019 – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa xalay qorshe-siyaasadeedkiisa kusoo bandhigay munaasabad boqollaal qof kasoo qayb galeen oo ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika laanteeda Garoowe.

Musharraxa ayaa martida xafladda la wadaagay buug-yare lagu soo koobay hiigsiyada siyaasadeed ee Ololaha Karti iyo Hufnaan, isagoo xusay in qorshihiisu yahay mid aad looga baaraan degay, laguna saleeyey natiijada kasoo baxday cilmibaaris muddo bilo ah socotay oo lagu sameeyey xaaladda dhaqan dhaqaale ee Puntland.

Haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland, Musharraxu wuxuu ballan qaaday in sida ay yihiin uu u fulin doono hiigsiyada tobanka ah ee lagu saleeyey qorshe-siyaasadeedkiisa, isagoo tilmaamay in ahdaaftaas sida ay u kala muhiimsan yihiin mudnaanta loo kala siin doono.

Halkan kala deg buug-yaraha Qorshe-siyaasadeedka Musharrax Maxamuud Khaliif Jebiye 2019 2023

Post Views: 1,085

Filed Under: News, Press release

Reader Interactions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Primary Sidebar

Follow us on Social media

  • Facebook
  • Flickr
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube

Photo Gallery Dubai

IMG_1661IMG_1660IMG_0641IMG_1653IMG_0602IMG_0487IMG_0480IMG_0466IMG_0444IMG_0461
More Photos

Copyright © 2023 · Jebiye'19