Waxaan si mug iyo miisaan leh u soo dhaweynayaa go’aanka ay maanta Garoowe ka soo saareen Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland ee Baarlamaanka afaraad ee Puntland yeelato 2014-2019. Go’aanka Xildhibaanada ayaa ka koobnaa lix qodob oo ay wax ga bedeleen lifaaqii hore ee doorashada lagu galay ee dhigaayey sideed qodob kuwaas oo qaarkood laga saarey qaarna la bedalay, waxaana ugu muhumsanaa qodobada lifaaqa Baarlamaanka ee doorashada lagu gelaayo.
1. In Baarlamaanka uu bedalayo Baarlamaan kale
2. In Doorashada Madaxweynuhu ku dhacdo xiligii loo asteeyey 8.1.2019
3. In Guddiga kumeel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland shaqadooda sii wataan oo aan la kala diri karin
Go’aanka Xildhibaanaddu waxa uu muujinayaa xilkasnimo, iyo biseyl siyaasadeed waxayna Puntland ka badbaadinayaan in si sharciga aan waafaqsaneyn Baarlamaanka loo kala diro, lana abuuro jawi faaruq ah (Vacuum) kaas oo awoodu ay ku ururto hal gacan, iyada o aysan dhisneyn maxkamadii dastuuriga ahayd. Gobolada iyo Beelaha Puntland waxaan ugu baaqayaa in ay soo xulaan xildhibaano xilkas ah, garan kara Puntland labaatan sano kadib halka ay joogto iyo sidey ku habbooneyd in ay maanta tahay.
Sidoo kale waxaan soo dhaweyneynaa in Guddiga kumeel-gaarka ah ee Doorashooyinku ay sii wataan shaqadooda, musharax kasta waxa uu ku doodi jirey in uu Puntland ka hirgalinaayo nidaamka dimoqraadiga ah sida ugu dhakhsiyaha badana u dhisaayo guddigii doorashada, taas oo ay fulin jireen xili ciyigii ka bariyey, waxaana u arkeynaa kala dirid kasta oo lagu sameeyo in ay tahay mid lagu carqaladeynayo in Puntland ka hanaqaado nidaam dimoqraadi ah oo ku dhisan Xisbiyada kala duwan.
Si taa lamid ah waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanayo in uu qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo taariikhdu ku xusto, muddada kala-guurka ah uu ilaaliyo hantida dowladda ee loogu adeegaayey shacabka oo ay reebanaato in loo geysto xatooyo ama si kale loo xalaaleysto.
Shacabka Puntland waxaan ugu baaqayaa in ay xil iska saaraan ilaalinta iyo sugidda amniga xilliga kala-guurka ah, in ay meel uga soo wada jeestaan cidkasta oo nabadda waxyeelo ku ah. Waxaa la gaarey xiligii runta, waxaa laga soo gudbey ballan qaadyo iyo himilooyin dhalanteed noqday, waxaan ugu baaqayaa shacabka iyo Xildhibaanadu in ay ka fiirsadaan masiirkooda, lana gaarey xiligii la dooran lahaa qof leh KARTI waxna ku maamuli kara HUFNAAN.
SOOMAALIYA HA NOOLAATO, PUNTLAND HA NOOLAATO
Eng. Maxamuud Khaliif Xassan (Jebiye)
Leave a Reply